Waa Tuma Maji Saalax? Xaaska Maxamed Sallax

Si la mid ah xaasaska ama lamaanayaasha ciyaaryahanada kubada cagta, Maji Sadiiq oo ah gabadha ay yaraanta isku caashaqeen laaciibka Liverpool iyo xulka qaranka Masar, Maxamed Saalax ma jecla in ay warbaahinta ka muuqato oo ay kaamirada hor taagnaato.

Maji, ma jecla baraha bulshada iyo inay wareysi siiso warbaahinta, waxay jeceshay inay ku noolaato kuna socoto nolol iska caadi ah

Haddaba maxaynu ka naqaan Maji?

Waxay ku dhalatay Masar 1994-kii, waxay mataan la tahay Mohab, waxaana la dhashay laba gabdhood oo kala ah mahi iyo miram labadooda waalid waxay macalimiim ka aahayeen Iskoolka Maxamed Ayad al Tantawi, halkaasi oo xiddiga reer Masar ay isku barteen Maji, Waxayna ahaayeen saaxiibo ilaa iyo iskoolka hoose markii ay dhiganayeen.

Magi iyo Maxamed Saalax waxay is guursadeen December 2013.

Gabadhooda curada ah oo loogu magac daray magaalada Barakaysan ee Makka waxay dhalatay 2014.

Maji waxay kaalin weyn ka qaadatay oo ay ku taageertay saygeeda Maxamed Saalax inuu noqdo ciyaaryahan heer caalami ah gaaray kuna guulaysatay bilado iyo koobab waa weyn, inkastoo si naadir ah loogu arko fagaarayaasha, waxaa kaliya ee la arkaa waa iyadoo u sacab tumaysa ama u dabaal degaysa guusha saygeeda.

Maji xiliyada kooban ee fagaarayaasha lagu arkay waxaa ka mid ahaa markii saygeeda Maxamed Saalax uu ka caawiyey kooxda Liverpool in ay qaado markii ugu horeysay koobka Premeir League-ga ama horyaalkii 19-aad ee Ingiriiska.

Iyo markii Maxamed Saalax uu qaaday kabaha dahabka ee gooldhalinta Premier League-ga xili ciyaareedkii 2017/2018.

Maji waxaa kale oo aad loogu amaanaa sida ay ugu labisato hanaan ku qotoma Shareecada Islaamka, waxay ka qayb qaadataa hawlo badan o khayri ah, waxayna sheegtay in ay uga muhiimsan tahay caanimo inay xooga saarto nolasha qoyskeeda, isla markaana ay daacad iyo hagarla’ u noqoto saygeeda iyo qoyskooda.

Maji waxay Saalax ula safartaa magaaladii uu ku dhashay, xiliyada Ramadaanka halkaasi oo ay ka qaybiyaan taburacaad iyo sadaqo ay u fidiyaan lamaanayaasha is guursaday ee isku cusub bisha barkaysan inta lagu jiro.

Maji inkastoo saygeedu uu yahay laacib lacag badan qaata haddana taasi kama reebin inay shaqeysato oo ay muruqeeda maasho waxay ka shaqeysaa Isbitaal gaar ahaan qaybta raajada.

Bishii February ee sanadkii 2020, Saalax iy Maji waxay dunida ku soo dhaweeyeen gabar kale oo u dhalatay taasi oo ay ugu magac dareen Kayan.

Maxamed Saalax tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool waxaa la sheegay in uu taageero weyn ka helay taageerayaasha kooxda, kuwaasi oo magaciisa ku heesa, sheegayna inuu jeclaysiiyey diinta Islaamka.

Cilmi baaris uu sameeyey urur fadhigiisu yahay UK ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu Saalax noqday ciyaaryahan Liverpool ah ay hoos u dhaceen dambiyada naceybka ku saleysay ee ka dhici jiray gobolka Mersi sayd ee magaalada Liverpool ku taal, falalkaasi oo lagula kici jiray dadka Muslimiinta ah.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed