Waa Sidee Xaaladda Magaalada Baraawe iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Ku Wajahan Halkaasi.

Xaaladda magaaladda Baraawe ee Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa daggan kadib dagaal culus oo shalay galinkii dambee ilaa xalay socday, kaas oo u dhexeeyay Ciidan halkaasi kuwada sugnaa oo kala ah kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed iyo kuwa Millatari ah oo muddo halkaasi ku sugnaa.

Dagaalkaas ayaa sababay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah, Goobjoogayaal ayaa sheegay in ka badan 20 ruux in ay ku dhinteen oo ah dhinacyadii dagaalamay, iyada oo dhaawacana uu yahay mid badan, balse si rasmi ah looma xaqiijin khaasaaraha soo gaaray ciidankii dagaalamay.

Maanta waxaa gabi ahaanbo xiran isku socodka magaalada Baraawe sida ganacsiga, waxbarashada iyo goobaha Caaafimaadka, arrintaas ayaa sabab u ah ciidankii dagaalamay oo wili difaacyo ku kala jira ilaa xalay kuwaas oo is hor-fadhiya.

hanka kale waxaa asna xiray Garoonka diyaaradaha magalada Baraawe, waxana naloo xaqiijiyay in ay xireen Ciidankii millatariga ee horay u joogay magaalada,

Warar aan helnay ayaa sheegaya in maanta magaalada Baraawe uu ku wajahan yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage, kaas oo lagu wado in kala dhex galo Ciidankii ku dagaalamay magaalada, kuwaas oo ilaa hadda dhufeysyada ku kala jira.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed