Waa Sidee Xaalada Garowe iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhimatay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen dagaal Maanya Magalaada Garowe ku dhexmaray Ciidanka Mucaaradka iyo kuwa Xukumadda taageersan, iyada oo dhanka kale madaafiicda la isku adeegsaday ay burbur xooggan u geeystay dhismooyin ku yaal magaalada.

Muuqaalo laga soo duubay Caasimada Puntland ayaa muujinaya khasaaraha uu dhaliyay dagaalka, dhaawacyo badan, gawaari gubaneyso iyo guryo ay ku dhaceen madaafiicda ayaa lagu faafiyay baraha bulshada ay ku xiriirto.

Sidoo kale tacsida dadkii ku dhinytay dagaalka ayaa Eheladda dadkaasi waxaa ay ku soo bandhigeen baraha xiriirka bushada, kuwaas oo iskugu jiro rag iyo dumar.

Dagaalka ayaa xooggiisa waxaa uu ka dhacay aggagaarka xarunta Baarlamaanka Puntland, gaar ahaan Hotelka lagu magacaabo galoobal, kadibna dagaal ayaa ku sii faafay qeybo kale oo horleh oo ku yaal magaalada.

Xilligaan magaalada waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan dhinacyadii dagalaamay, xiisadda ayaa wili kacsan, mana jiraan ilaa hadda Masuuliyiin ka hadashay dagaalkii Maanta ee Garowe.

Dhinaca kale Baarlaaanka Puntland ayaa u codeyay ka dooddista furitaan dastuurka maamulkaasi, 35 xillibaan  ayaa kulanka soo xaadirtay, 34 ayaa oggolaatay, halka 1 mudnae uu  diiday.

HBN NEWS DESK.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed