Waa kuma Macalin Ayman Taliyihii Al-Shabaab oo ay dileen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya

Dowladda Somaaliya iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u sheegay in ay khaarijeen hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al shabaab, kaasoo muddo dheer ay baadi goobayeen, dilkaan oo dhacay 17 bishaad December ayaa ahay kan ugu hadal heynta badan ee ay daabaceen Muqdisho iyo Waashintoon.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya waxa ay ku dileen Macalin Ayman oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Ayman waxa madaxiisa dul saarnaa lacag dhan $10 Milyan. Wuxuu mas’uul ka ahaa weerar argagixisanimo oo dhacay 2020 kaas oo lagu dilay ugu yaraan 3 Mareykan ah, sida ay ku sheegeen bayaan wadajir ah.

Maraykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday koox argagixiso sannadkii 2008dii. Macallin Ayman Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro argagixiso ka geysta Soomaaliya iyo Kenya, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale u aqoonsaday argagixiso.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed