Ururka Iskaashiga Islaamka oo gaashaanka u daruuray hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland kuna booriyay in la ixtiraamo madax-bannanida Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)  ayaa u muujiyay dowladda Soomaaliya  garab istaagga, iyaga oo diiday kana horyimid hishiiskii ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland, Waxay ku adkeysanayaan in loo baahan yahay in la ixtiraamo  Madaxbanaanideeda dhuleed ee Soomaaliya.

Iyaga oo ay uga go’an tahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Dawladaha xubinta ka ah si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo sharciga caalamiga ah, iyo ka dib saxiixa Heshiiskii Isfahamka Iskaashiga  ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland 1dii Janaayo 2024, Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) diiday  fal kasta oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xoghayaha  Guud waxaa uu cusboonaysiiyay midnimada uruka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaasoo carrabka ku adkayay baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed iyo in la ilaaliyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed