Urur Goboleedka ECOWAS oo Doortay Hoggaamiye Cusub.

Madaxda Galbeedka Afrika ayaa u doortay madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu inuu hogaamiyo urur goboleedka ECOWAS sanadka soo socda, isagoo bedelaya hogaamiyaha Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo.

Xilli uu ka hadlayay shir-madaxeed ka dhacay magaalada Bissau ka dib markii loo magacaabay madaxweynaha ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika (ECOWAS), Bola Tinubu ayaa sheegay in dimuqraadiyaddu ay tahay qaabka ugu wanaagsan ee dowladnimadda  inkastoo ay aad u adagtahay in la maareeyo”ayuu yiri.

Madaxa cusub ee ECOWAS waxa kale oo uu ballan qaaday in uu si adag uga hortagi doono afgambi kasta oo siyaasadeed oo ka dhaca Galbeedka Afrika.

Ilaa 2020, saddex xubnood oo ka tirsan ECOWAS, Mali, Guinea iyo Burkina Faso, ayaa la kulmay guud ahaan shan afgambi.

Guddoomiyaha guddiga ECOWAS, Cumar Alieu Touray, ayaa ku booriyay maamullada ka jira dalalkan inay ixtiraamaan waqtiyada lagu heshiiyey ee lagu wareejinayo awoodda hoggaamiyeyaasha rayidka ah.

Sabtidii, Midowga Dhaqaalaha iyo Lacagta Galbeedka Afrika (UEMOA) ayaa isku raacay in Mali laga qaado xayiraadda laga saaray hay’addeeda, waxayna go’aansadeen Janaayo 2022 in la cunaqabateeyo, iyada oo laga hor tagaayo xukunka  milatari ee dalkaasi in uu sii dheeraado.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed