Ukraine oo sheegtay in ay soo ridey 29 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka

Ciidamada Cirka ee dalka Ukraine ayaa sheegay  inay burburiyeen 29 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn iyo gantaal nooca loo yaqaano Cruise-ga ah oo Ruushku  ku weeraray gobollo ka tirsan Ukraine.

Milatariga Ukraine ayaa sheegay in inta badan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay bartilmaameedsadeen gobolka Mykolaiv ee koonfurta Ukraine iyo gobolka Dnipropetrovsk ee bartamaha dalkaasi.

Serhiy Lysak oo ah barasaabka gobolka Dnipropetrovsk ayaa sheegay in burburka  uu waxyeelo u geystay goob warshadeed oo ku taal magaalada Pavlohrad isla markaana uu dab qabsaday shirkad gaar loo leeyahay oo ku taal Dnipro.

Weerarada ayaa daba socday ballanqaadyo cusub oo taageero ah oo ka yimid Midowga Yurub, iyadoo wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay ku kulmeen Kyiv Isniintii.

Kaalmada reer galbeedka ee Ukraine ayaa la kulmay cadaadis siyaasadeed ka dib markii musharax taageersan Ruushka uu ku guuleystay doorasho ka dhacday Slovakia oo xubin ka ah Midowga Yurub iyo NATO, Congress-ka Mareykanka ayaa dhaqaalaha Ukraine ka saaray kharashka ku-meel-gaarka ah ee loo qorsheeyay.

Madaxweynaha Ukraine  ayaa xusay in Ukraine ay weli sii waddo inay dadkeeda iyo dhaqaalaheeda ka ilaaliso weerarada joogtada ah ee Ruushka, wuxuuna sheegay in weerarkooda ka hortagga ah ee ay ku doonayaan inay ku xoreeyaan dhulka la haysto uu weli socdo, wuxuuna xusuusiyay madaxda Midowga Yurub in Ukraine ay u baahan tahay lacag badan, hub badan iyo ciidan dheeraad ah. Wuxuu kaloo ka codsaday inay xoojiyaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa ku baaqday dadaallo loogu diyaar garoobayo Ukraine jiilaalka soo socda, oo ay ku jiraan difaaca hawada iyo dammaanad qaadka saadka tamarta, ka dib markii Ruushka uu duqeeyay kaabayaasha tamarta ee Ukraine sannadkii hore.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed