Ukraine oo sheegtay in ay soo riday 24 diyaaradood oo Drones ah oo uu Ruushku leeyahay

Milateriga Ukraine ayaa Khamiista sheegay inay burburiyeen 24 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay qaadeen ciidamada Ruushka habeennimadii xalay.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu u diray guud ahaan 29 diyaaradood oo aan duuliye lahayn si ay u beegsadaan gobolada Odesa, Mykolaiv iyo Kirohovrad.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa la filayaa in uu ka qayb galo shir ay hogaamiyayaasha Yurub ku yeelanayaan Spain Khamiista oo uu taageero dheeraad ah u raadinayo ciidankiisa, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca hawada.

Zelenskyy ayaa kulanka ka hor sheegay in Ukraine ay aad uga shaqaynayso sidii ay u horumarin lahayd difaaceeda hawada ka hor inta aan la gaarin xilliga jiilaalka ee soo socda.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay xulafada muhiimka ah ee reer galbeedka Talaadadii si uu u xaqiijiyo sii wadida taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine ka dib markii koox ka tirsan Jamhuuriga ee Congress-ka ay ku qasbeen in ay ka baxaan dhaqaalaha cusub ee degdegga ah ee Kyiv.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Biden uu la hadlay madaxda Canada, Germany, Italy, Japan, Poland, Romania, Britain, Midowga Yurub iyo NATO oo uu wehliyo wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed