UK iyo Ethiopia oo bilaabeen barnaamij nabadeed si loo yareeyo xasilooni darada ka jirta Ethiopia Kenya iyp Soomaaliya

Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo ay weheliyaan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo nabadda ee Itoobiya iyo sidoo kale dawlad deegaanka Soomaalida ayaa daah-furay barnaamij loogu magac daray ‘Deris Wanaag’ kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa -ka-hortagga rabshado ka dhaca xuduudka labada dal ee Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed loo diray Addis Standard, UK waxay ku kharash-garayn doontaa 10 milyan oo gini saddexda sano ee soo socota barnaamijkan oo ka furmay magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida.

“Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa siyaasad iyo barnaamij wax ku ool ah, wuxuu xoojin doonaa hababka dhisidda adkeysiga rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn, wuxuuna wax ka qaban doonaa baahiyaha bulshada si loo yareeyo  xasillooni darrada iyo xagjirnimada,” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Mustafe Cumar, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, ayaa intii uu furitaankii xafladda ka hadlay waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado wax ka qabashada xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika, halkaas oo hawlo badan oo dhaqan-dhaqaale ah ay wadaagaan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, barnaamijkani waxa uu ka faa’iidaysan doonaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee UK, waxana uu sii wadi doonaa guulihii laga gaaray hawlihii hore ee gobolka si loo hubiyo in dedaallada nabad-gelyada, horumarinta iyo nabad-dhisidda ay noqdaan kuwo waxtar leh, iyo in la gaarsiiyo beelaha degan deegaanada xuduuda.

Furitaanka magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladaha Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya, waxaana barnaamijkan uu horseedayaa in laga doodo dhinacyada mudnaanta u leh hirgelinta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed