Ugu yaraan 2 qof oo lagu dilay xero qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taalla dalka Lubnaan

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo dib uga soo cusboonaaday kooxaha Falastiiniyiinta oo ka dhacay xero qaxooti oo ku taal koonfurta Lubnaan iyadoo xabad joojin horay loogu heshiiyay aysan ixtiraamin dhinacyada iska soo horjeeda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hal qof ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay gudaha xerada Ein el-Hilweh, halka mid kalena uu ku dhintay dab toos ah oo ka dhacay bannaanka xerada, Wakaaladda Wararka Qaranka (NNA) ayaa sheegtay, iyadoo intaas ku dartay in dhowr qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo  waxyeeladu ka soo gaartay dab  ka dhacay xerada. .

Dhawaqa qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay gudaha iyo hareeraha xerada, sida ay goobjoogayaal u sheegeen wakaaladda wararka ee DPA.

Iska horimaadkan oo  ka dhacay gudaha xerada ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee dalka Lubnaan, ayaa u dhexeeya xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa guud ee Fatax iyo koox hubaysan oo Falastiiniyiin ah oo isku magacaabay Dhalinyaro Muslimiin ah.

Isbitaal dadweyne oo ku yaal duleedka xerada ayaa ku khasbanaaday in dhammaan bukaannadiisa loo wareejiyo goob  kale ee magaalada dekedda leh ee Siidoon kadib markii xabado habaaw ah ay ku dhaceen xarunta caafimaadka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed