Ugu yaraan 160 qof ayaa ku dhintay 300 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarro ay kooxo hubeysan ku qaadeen dalka Nigeria

Ugu yaraan 160 qof ayaa lagu dilay 300 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarro ay kooxo hubeysan ka geysteen dalka Nigeria.

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha Nigeria ku dilay ugu yaraan 160 qof weeraro xiriir ah oo ka dhacay tuulooyin, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose Isniintii.

Dhimashada ayaa aad uga badan tii hore ee ay ciidamadu sheegeen fiidnimadii Axadda, taasoo ahayd in 16 qof oo kaliya ay ku dhinteen gobolkaas oo ay muddo dhowr sano ah ka taagnaayeen colaado diimeed iyo kuwo qowmiyadeed.

Ugu yaraan 50 qof ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan degaanka Barkin Ladi, sida uu sheegay Dickson Chollom, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka.

Weeraradan oo ka bilowday deegaanka Bokkos ayaa ku fiday deegaanka Barkin Ladi oo daris la ah, waxaana meydadkooda laga helay 30 ruux sida uu sheegay gudoomiyaha deegaankaasi Danjuma Dakil.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed