Ugu yaraan 15 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 waa ay ku dhaawacmeen dagaaleed ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaaladan ayaa u dhaxeeya beelaha Sacad & Leelkase waxaana ilaa iyo saaka uu ka socdaa deegaanka Laan Qaydar oo u dhaxeeya deegaannada Laanwaaley & Saaxo oo hoos taga Galgodob & Banadiiradley, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed kala duwan.

Dagaaladan ayaa salka ku haya aano qabiil iyo colaado horey beelahan ugu dhexmaray deegaanadaasi, inkastoo horey horey heshiisyo nabadeed u dhexmareen labadan beelood.

Saraakiil labada dhinac ka tirsan oo warbaahinta la hadlay ayaa qoloba qolada kale waxay ku eedaynaysaa bilowga dagaalkan oo saameyntiisa laga dareemayo Gaalkacyo, Goldogob, Bandiiradley iyo Galinsoor, halkaasi oo abaabul ciidan uu ka socdo.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulada Galmudug & Puntland oo beelaha dagaalamaya ay ka tirsan yihiin, waxaana sidoo kale jirin wax waan waan ah oo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac oo horey ugu guulaystay in colaadihii hore joojiyaan, inkastoo laba xildhibaan oo ka mid ah baarlamanka Federaalka oo kala ah Cabdiraxmaan Cagawayne iyo Axmed Taajir oo laga soo kala jeeda beelahan dagaalamaya ay ku baaqeen in colaadda la joojiyo isla markaana nabad iyo wadahadal lagu beddelo dagaalka.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed