Turkiga oo ka hadlay go’aanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya

Turkiga ayaa Sabtidii soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaaday Soomaaliya, Turkiga ayaa si weyn us oo dhaweeyay go’aankaas, isla markaana ku tilmaamay guul taariikhi ah, waxaa uu intaas raaciyay in ay ka go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.

“Waxaan rajaynaynaa in go’aankan taariikhiga ah uu u horseedo waa cusub oo nabad, barwaaqo iyo rajo ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Waxay intaasi ku dartay Ankara Si kastaba ha ahaatee, in sii wadi doonan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada Soomaaliya xilligan cusub”.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Jimcihii si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la qaado xayiraadii ugu dambeysay ee hubka la geeyo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka.

Golaha amaanka ayaa markii ugu horeysay cunaqabateyn guud iyo mid dhameystiran ku soo rogay Soomaaliya sanadkii 1992-kii, taasoo ka dhalatay colaada iyo xaalada bini’aadantinimo ee ka sii dareysa ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed