Toogasho Ka Dhacay Koofur Galbeed.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Maxkamada Ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa Magaalada Baydhabo ee Xurunta KMG Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa dil toogasho ku fulisay labo ruux horay loo xakumay.

Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo maxkamada horey dil ugu xukuntey ayaa lagu fuliyey toogashada Saakay.

Labadan Askari ayaa ka kala tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo NISA, waxaana maxkmaddu sheegtay inay si bareer ah u dileen Marxuumiinta kala ah Aadan isaaq iyo Maxamed Xasan Maxamed Weydhaan.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale laba Askari oo horay dilal u geystay lagu fuliyay dil toogasho ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka kunool Magaalada Baydhabo.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran rag xikunsanayaal ah, kuwaas oo ka kala tirsan Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo la filayo in  dhawaan dil toogasho lagu fuliyo.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed