Tirada dhimashada oo soo kordheysa kaddib dhulgariir ku dhuftay waqooyiga Shiinaha

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Gansu ayaa dhaaftay 116 qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in 105 ay ku dhinteen Gansu, iyadoo 11kale ay ku dhinteen gobolka Qinghai ee deriska la ah.

Gansu waa gobol ku yaal waqooyiga-dhexe ee Shiinaha.

Mas’uuliyiinta gobolka Jishishan ee xudunta u ah dhulgariirka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen subaxnimadii Talaadada ku sheegay in ilaa 186 qof ay ku dhaawacmeen, iyadoo 4,782 guri ay burbureen.

Kumanaan shaqaale samatabbixin ah ayaa la geeyay. Saraakiisha ayaa shacabka ka codsaday in aysan u dhawaan goobta ay musiibadu ka dhacday, si ay waddooyinka ugu baneeyaan kooxaha gurmadka.

Maamulka ayaa sidoo kale ka digay in ay dhici karto in dhulgariir kale oo geysta khasaaro hor leh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed