Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Loogeystay Kooxd AS oo y Dolwaddu Shaacisay.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay Shaacisay tirada guud ee oo ay ka dileen Al-shabaab Wajiga koowaad ee dagaaladdii ka dhacay guud dalka, kaas oo dhex maray Ciidanka Xoogga, kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaalyahannada Kooxda AS.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbad uu jeediyay waxaa uu daaha ka qaaday Khasaarihii ay gaarsiiyeen Al-shabaab, waxaa uu xusay in, in ka badan 3-kun ay ka dileen kooxda dagaalladdii ay la galeen.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ku dhawaad 3,700 oo kale looga dhaawacay dagaallo ka dhacay deeganno ka tirsan maamul goboleeyada Sida Hirshabeelle iyo Galmudug oo inta badan aya ka dhaceen dagaallo qaraar oo aan waxbo la isku reeban.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli dowladdu ay qorsheyneyso in wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-shabaab ay bilaawdo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr madal ka jeediyay hadallo ku aadan in dowladdiisu ay ka go’antahay soo afjiradda Kooxda.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed