Taliyihii Nabad-sugidda ee degmada Doolow oo xaaskiisa ay ku dhishay degmadaas

Wararka ka laga helayo degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa  sheegaya in taliyihii ciidanka heyd’adda Sirdoonka Soomaaliya ee degmada Doolow in lagu dilay gobolkaas maanta sida ay xaqiijiiyeen laamaha ammaanka.

Taliyaha oo lagu magacaabo Ibraahim Hilowle Xuuseen ayaa la sheegay in lagu dhex dilay hotel ku yaal magaalada Doolow, waxaa la sheegay in ay dishay xaaskiisa oo ku toogay bistooladii uu watay, waxan haatan gacanta ku haya laaamaha ammaanka.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdadaaan naxdinta leh, kuwaas oo goobta ka soo qabtay haweeneydaas, wararka ayaa sheegaa in  shalay ay haweeneyda ay taktay magaalada Doolow maaddaama xiriir guur uu ka dheexeeyay labadooda.

HBN NNEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed