Taliye ku xigeen ciidamada xasilinka gobolka Mudug oo lagu dilay gobolkaas iyo faah faahin laga bixiyay

Cali Cabdi Faarax oo loo yaqaanay Cali Naasir, oo ahay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xasilinta Gobolka Mudug ayaa ka mid ahaa Askarta Dowladda ee lagu dilay Weerarkii maanta Al-shabaab ay ku qaadeen Shabeelow ee Gobolka Mudug.

Cali Naasir waxaa uu ahaa mid kamid ah taliyaashii ugu fiican Soomaaliya marka la eego xirfadiisa Ciidanka Soomaaliya, waxaa lagu tilmaamaa in uu lahaa karti hoggaamineed markii la jeedo xaaladda dagaallada iyo howlgallada sida laga soo xigtay saraakiisha sar sare ee ciidamada xoogga horay u soo maamulay iyo kuw hadda joogaba.

Howlgallo culus oo uu hoggaamiyay ayaa noqday kuwa lagu ammaanay sida uu u maamulay, waxana uu soo hooyay guulo la taaban karo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegeen in uu kamid ahay taliyaashii uu fiicnaa ciidamada Soomaaliya, balse maanta ayuu ku geeriyooday dagaalkii Al shabaab iyo ciidamada dolwadda ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed