Taliyahii Booliska Baladweyne oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay kaas oo sababta shaaciyay

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baledweyne, Axmed Cali Aadan, ayaa si kulul kaga horyimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisoow, wareegto uu soo saaray, taas oo aanan meel marin.

Taliye Axmed Cali Aadan ayaa ku dooday in Taliyaha Booliska Hirshabeelle uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado maadaama uu hayo xil heer federaal ah.

“Aniga waxaan ahay Sarkaal ka tirsan Booliska Federaalka, waxaana halkan ku imid magacaabis heer Federaal ah, Hirshabeelle awood uma lahan in ay xilka iga qaado, waxaa ka maqan sababo sharci ah, waxaa intaa dheer, ma jiro wax xiriir ah oo aan ka helay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo Taliye cusub u magacaabay. ” ayuu yiri

Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow ayaa xilkaas u magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Siyaad. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta maamulka degmada ayaa hoosta ka xariiqay in taliyaha booliiska federaalka uu fulinayo xil ka qaadis iyo magacaabid lagu sameeyay taliyeyaasha booliiska Beledweyne.

Bishii June ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte, iyadoo tallaabadan ay noqotay mid la yaab leh, taasoo walaac ka muujisay mustaqbalka Ololaha Al-Shabaab ee ka socda Gobolka. Cali Jeyte ayaa ka horyimid xil ka qaadistiisa, waxaana todobaadyo kadib la sheegay in dadka deegaanka ay u doorteen Madaxweynaha Maamulka Hiiraan, waxaana uu mamnuucay mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed