Taliyaha Nabad-Sugidda Deg. Deyniile oo Weerar Lagu Qaaday.

Muqdisho ( Hbn tv)-Warar kala duwan ayaa laga helayaa Weerar ku bilaawday qaraxyo kaas oo lagu qaaday Guri uu deganaa  Taliyaha Nabad-sugidda  degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha oo lagu magacaabi Cabdiraxmaan Cali iyo ilaaladiisa ayaa saakay Xilli hore weerar qorsheysan la kulmay xilli uu ku sugnaa hooygiisa, waxana soo gaaray dhaawac fudud, halka ilaaladiisa qaar kamid ahna ay dhaawacmeen.

Jugta qaraxyada laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan degmadaas iyo xaafadaha degmooyinka ku dhow Deyniile ee Gobolka Banaad.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu weerarka qaraxyada ah ka dhacay ayaa baaritaano ka wada halkaasi, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed