Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagay jiido hore ee dagaalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka SoomaaliyA iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo kamid ah furimaha dagaalka laga hago ee maamulka Galmudug, waxana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddooyinkii dambe fulinayay howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Ibraahim Muxayadiin ayaa kormeeray jiida hore ee dagaalka iyo difaacyada ciidamada ee magaalada Galad, isagoo ciidamada kula dar daarmay inay xoojiyaan ammaanka iyo kor u qaadida dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya iyo taliyaasha hoos yimaada ayaa muddooyinkii dambe kormeer ku tagayay jiido hore e furimaha dagalka, kuwaas oo u kuur galayay xaaladda ciidamada.

HBNN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed