Taliyaha ciidamada xoogga iyo masuuliyiin kale oo gaaray furimaha dagaalka ee Shabeelada Dhexe

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya  Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxidiin oo ay wehliyaan saraakiil kale  ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Hoose.

Kormeerka Taliyaha ayaa waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda La-dagaalanka Argagixisada C/llaahi Maxamed Nuur, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeneraal Muxidiin ayaa booqday jiidaha hore ee dagaalka si uu ugu kuur galo ciidamada halkaasi ku sugan, waxaana uu ku dhiiri galiyay in ay sii wadaan dagaalka dalka looga xoreynayo ururka Al shabaab, dibna loogu soo celinaayo gacanta dowladda.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku guda jira dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka lagula jiro  Al-Shabaab, waxaana lau wadaa in wajiga labaad ka bilaawdo Galmudug iyo  Hirshabeelle.

HBN NEWS  DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed