Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo shaki galiyay dalalka safka hore ee ka qeyb galaya dagaalka wajiga 2-aad ee Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin Caddow, ayaa sheegay hubanti la’aanta ka jirta dalalka deriska la ah Soomaaliya ee ka qeyb galaya dagaalka wajiga lab aad  ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay Idaacadda VOA , Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin ayaa muujiyay hubanti la’aantiisa in ciidamada Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti in ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada culus oo ay waddo dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dalalka safka hore uga jira dagaalka  aysan muujin u diyaaragarow ku aaddan howlgallada iyo isku diyaarinta  in ay kaalin weyn ka qaataan qorshaha dowladda Soomaaliya ee dalka looga xorreynayo dagaalyahannada Al shabaab.

Sarreeye Gaas Ibraahim ayaa  ku cel celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka laga saro Al-Shabaab, isagoo carrabka ku dhuftay in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda.

Bishii Febraayo, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Intii uu socday kulanka, waxa ay isku raaceen in si wadajir ah loo qorsheeyo oo la abaabulo howlgallo xooggan oo lagu beegsanayo xarumaha muhiimka ah ee al-Shabaab ay ka hesytaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Seddexda dal ayaa sidoo kale ciidamo ku biiriyay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo ciidamadoodu ay ka howgallaan Soomaaliya.

Si kastaba, hadalkaan ka yimid taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya ayaab ku soo beegmaya iyada oo dolwddu isku diyaarineyso in ay bilaawdo dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed