Taliyaha Ciidamada lugta Soomaaliya oo tagay furimaha dagaalka

Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliya ayaa tagay furimaha dagaalka ee degmad Galcad, halkaas goob furin ah oo ciimada dowladda ay joogeen muddooyinkii dambe.

Taliyaha Ciidanka dhulka  General Axmed Aadan ayaa indho-indheyn ku sameeyay Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada ay maalmihii la soo dhaafay ay ku qaadeen Al-shabaab.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ahaay Al-shabaab, waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda, iyo sidii looga xorreyn lahaa gobolkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed