Taliska Ciidanka Dhulka oo sheegay in 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab ay ku dileen howlgalo adag oo ka dhacay gobolka Mudug.

Abaanduulaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliya Gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in in ka badan 80 ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen dagaal 48-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanada Caad iyo Baraag Sheekh Ismaaciil oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Taliyaha oo saakay la hadlay Warbaahinta, ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka oo is abaabulay ay ka saareen Al-Shabaab deegaano muhiim ah oo ay ku sugnaayeen, isla markaana ay ka sameysteen fariisimo  ay ka soo abaabuli jireen weerarada. .

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa dagaal xooggan ku qaaday qeybo ka mid ah gobollada dalka, waxaana la bartilmaameedsaday dagaalyahannada Al shabaab si looga xoreeyo deegaanno hor leh.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dowladdu ay soo furtay hub fara badan, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigayaan deegaannadii ay ka qabsadeen Al-shabaab iyo khasaaraha soo gaaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed