Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay Muqdisho iyo eedeeysanayaal la socday

Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay oo saaka ku qarxay degamada Deeyniile gobolka Banaadir, qaraxaan ayaa ka dhacay goob lagu baaro gawaarida soo agleyso gudaha magaalada.

Afhayeenka ciidanka Booliis Saddiiq Aadan Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in hay’adaha amnigu ay qabteen labo eedeysane oo saarnaa  gaariga qarxay kadib markii la qabtay eedeeysanayaasha ka hor inta uusan qarxin gaarigu.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in wax khasaaraha ah uusan ka dhalan qaraxaas, balse ciidamadu ay geyeen goob cidlo ah oo laga fogeeyay dadka shacabka ah iyo ciidanka halkaasna uu ku qarxay.

Gaarigaan lagu siday walxaha qarxa ayey sheegeen hey’adaha amiga  in uu ku sii jeeday magaalada, balse laga hortagayb oo la fashilayay, eedeeysanayaasha ayaa haatan waxaa ku socdo baaritaanno dheeraad ah sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed