Taliska ATMIS oo sheegay in ay taageeriyaan howlgallada ciidamada dowladda ee ka dhanka ah Al shabaab

Taliska howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka kooxda Al shabaab, oo haatan uu ku socdo gulufka ka dhan ah deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Taliyaha ATMIS  General Sam Okiding oo ay weheliyaan saraakiil kale  ayaa booqday ciidamada ATMIS ee fadhigoodu yahay saldhiga hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Ciidamada xoogga Soomaaliya  qeybta 4-aad, oo gobolkaas ku sugan ayey ku bogaadiyeen howlgallada ay ka wadaan gobolada dhexe oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen weeraro lagu ciribtiraayo Al shabaab.

Sidoo kale waxaa ay ku cel-celiyeen in kor loo qaado  heeganka ciidanku iyo u diyaargarowga mar walba in loo diido xoriyada dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyadoo la kordhinayo ilaalinta ammaanka, feejignaanta iyo howlgallada.

ATMIS waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso ciidmada dowladda  iyo bixinta taageerada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadda Soomaaliye, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed