Tab Hadafkeedu Liito!

Kullankii shanaad ee golaha wadatashiga qaranka ayaa dhawaan ku soo dhamaaday magaaladda Baydhabo. Waxaana looga hadlay howlo qeexan oo ay dowlad gobaleedyadda iyo dowladda federaalka ka wadashaqeyn karaan.

Qodobadda ugu muhiimsan ee laga tashaday waxaa ka mid ahaa doorasho hal qof oyo hal cod in laga wada shaqeeyo, xoojinta amniga iyo abuuris ilo dhaqaale oo isbixin kara shaqooyina abuura iyo qodobo kale.

Madaxweynayaal dowlad goboleed in loo diro Puntland oo xal u raadiya  sababaha keeney in shirka golaha wadatashiga ay Puntland ka baaqato. Wax kasta oo la isla soo qaaday waxay u muuqataa in la isku afgartay, kulanka xigana ee noociisa waxaa uu dhacayaa dhowr bilood ka dib.

Intaasi waa xaqiiqadda ku gedaaman kullan shanaad ee golaha wada tashiga oo ah madal loogu talo galay wadashaqeyn cad oo u dhexeysa dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe. Puntland doormuhiim ah bay ku laheyd kulamaddi hore oo dhan, hase ahaatee kullan kan sababaha ay u maqnaatay ayaa su’aali ka taagan tahay.

Waxaa xusid mudan in Puntland lagu tilmaami  jirtay in ay tahay hooyadda federaalka oo u heelan in diwlad waxrar leh ay Soomaalia yeelato. Haddese waxaa muuqata in siyaasadaa laga leexday. Puntland waxaa lagu yiqiin wadotasho iyo hadaf cad oo horumar baddan u horseeday gobolkaa, ha noqoto dhisidda kaabayaasha oo ay ka mid yihiin wadooyinka, goroomadda diyaaradaha iyo mashruuca garacad oo ay ganacansatadu dhistay.

Waxa ay dadka deegaanku u yaqaanaa ‘aranjaan ka hor’, waxuu ahaa mid isku xiran shacab iyo dowladba, si wada jir ahna isula jaan qaada iyomaamulka madaxtinimadda oo loo kaltamo. Hadese waxaa soo baxday siyaasad ku dhisan khilaaf, sadbursi, kala tashi iyo xitaa xoog isku maquunin.

Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka ugu dhaqaalaha roon Puntland waxaa ka dhacay dagaal lagu dhintay oo lagu dhaawacmay, kalifayna in dadku magaaladda ka baro kacaan, hanina ku burburtay.0 Dagaalkaas ma aheyn mid loo baahnaa, wuxuuse wiiqay nidaamkii dowladnimadda gobolkaa mudda dheer u shaqeenayay ee dadka deegaanku ku munaafacaafeen.

Waxaa xusid mudan in iyana uu khilaaf ka jiro qaabka loo qaban doono doorashadda xigta ee madaxweynaha. Garoowe oo ah caasumadda diyaar uma aha in doorkeeda la dhaafiyo, raalina kama aha doorasho hal qof iyo hal cod ah in doorashadda Puntland lagu galo markan, mar kaleba ha joogtee.

Waxaa hubaal ah in aysan aheyn siyaasad si fiican loo ruugay, in Puntland oo kala qeybsan oo aan iyaga dhexdooda heshiis aheyn,khilaaf aan loo baahneyn lala galo dowladda dhexe. Puntland waxay goboladda kale uga duwan tahay waa gobol wadotashi, is- ixtiraam iyo istixgalin ay ka dhaxayso. Qoraalka loo diraydowladda dhexe ee lagu  diiday  wadashaqeyn dowladda dhexe waxaa uu ahaa mid lagu deg degay, isaga oo aan wadotashi la galin  baa la qaatay saameyna ma yeelan,Waayo waa tab uu hadafeedu liito.

Waxaa hubaal ah in danta Puntland ay ka weyn tahay shaqsi ama jufo. Xaqiiqadaas cid walba ayaa og… Haddii  madaxweynenimo federaal la waayo ama ra’iisal wasaarinimo la waayo  macnaheedu ma aha in Puntland laduminayo, oo wadotashigiiiyo dowladwanaagii la wiiqo iyo meeqaamkeedii ahaa hooyadda federaalka  Soomaalia. Arrintaa waa tab aan hadaf buuran lahayn( tactics without good strategy).

Puntland waxay ku fiicnaan laheyd in la ilaaliyo meeqaamka ay ku leedahay dowladda federaalka ee Soomaaliya. Taloxumadda waxaa aabo iyo hooyo u ah waxaad waditashi, wadahal iyo ilaalinta heshiisyadda ku weydo in xoog iyo xanaaq aan marnaba wax looga heleyn Puntland dhexdiisa iyo dowladdafederaalka toona.

Waxaa muuqata in aysan dowladnimadda Puntland u fiicneyn khiaaf iyo damac shaqsi ah. Waxaa darsi cad ah Somaliland halka ay maanta arrimaheeda marayaan, ka dib markii ay diiday wado hadal, wado tashi iyo in wax la isla lahaado. Puntland taariikh uma laha Soomali diidnimo ee waa tabnafka uu ka raadiyay siyaasi is-fashilinaya. Umana qalato Puntland in asaageed laga reebo iyo qarankii ay muddadda dheer ku taameysay in door libaax ka qaadato dhisidiisa.

War iyo dhamaantii gudigga golaha wadatashiga uu u diray Pubtland la kulankiisa Puntland ha ka tashato oo talo mideysan oo bisil iyo mowqif dhamaan loo dhanyahay ah ha lagu wajaho, si looilaaliyo xuquuqdda dowladgobaleed ay  puntland ku leedahay nidaamka federaalka. Haddii la diido,tabta socoto uma muuqato mid u qalanta Puntland.

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Dhamaad.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed