SSC Khaatumo oo War Ka Soo Saartay Dagaalladii Ka Dhacay Sool.

Isimmada Magaalada Laascaanood ayaa war-saxafadeed  ka soo saaray dagaal ka dhacay gobolka Sool kaas oo u dhexmaray Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa deegaanka gobolka, sidoo kale waxay sheegeen in wili uu socda dagaalka labada dhinac.

Bayaanka ka soo baxay Laascaanood ayaa lagu sheegay in Ciidanka Somaliland ay dagaal ku soo qaadeen deegaanka Dhabansaae ee Tuula-samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood, waxayna sheegeen in ay iska difaaceen weerarkaan oo ahay mid qorsheysan oo ka yimid Soomaaliland sida ay baahiyeen.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in deegaanka Dhabansaae maalihii lasoo dhaafay in Somaliland ay Ciidan ku aruurineysay kuwaas oo ay ugu talagashay in ay ku dhibaateyaan dadka ka barakacay Laascaanood  kuwaas oo ay ku garaaceen madaafiic kadibna ay ka carareen guryahoodii sida lagu sheegay War-saxafadeedka.

Dhankale waxaa ay sheegaan in ay is difaaci doonaaj dagaalkuna uu wili socdo iyaga oo intaas raaciyay ay guul ka gaareen dagaalka oo ay  jab kaa gaarsiiyeen Ciidanka Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu soo gunnaanaday in Bariga Magaalada Laascaanood uu Xilligaan ka socdo dagaal culus oo dhexeeya Labada dhinac, iskagana caabbi doonaan weerarada dhinaca Soomaaliland kaga yimiid.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland ee ku aadan dagaallada maanta ka dhacay Gobolka Sool, kaas oo lagu eedeyay in ay soo qaadeen weerarada sababay in dib uu uga qarxo dagaal kale.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed