SSC-Khaatumo Oo Ku Dhawaaqday Inay Joojisay Dagaaladii Ka Socday Deegaanada Sool Sanaag Iyo Cayn

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay colaadii Sool,Sanaag iyo Cayn ee la isku oran jiray SCC-Khaatumo, kadib dagaal mudo 8 bilood ah ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SCC magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu maamulkaasi ku wargeliyay dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in SSC ay soo afjartay wax ay ugu yeereen Dagaalkii gardarada ahaa ee Somaliland. Waxay ku andacoodeen inay ilaashadeen sharaftooda iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa intaa ku daray in ay qaadayaan tillaabooyin hor leh oo lagu soo celinayo xasiloonida deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday. Waxaa ka mid ah in ay  bilaabaan fududaynta soo celinta dadkii barakacay iyo in ay raadiyaam qorshayaal taageero bulsho ah oo ballaaran.

Maamulku wuxuu xaqiijiyey in maxaabiista si habboon loola dhaqmo loona dhawro xuquuqdooda si waafaqsan shareecada Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo xeerarka caalamiga ah. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku nuux-nuux saday in aanay ku soo xad-gudbin doonin dhul ay leeyihiin beelaha dariska ah, isla markaana ay ixtiraamayaan xuduudaha Somaliland.

“Waxaan hiigsaneynaa in aan iska kaashano ganacsiga, amniga, iyo arrimaha kale ee guud innagoo si nabad ah ku wada nool, balse, waxaan ka digaynaa saadka iyo hubka maamulka Somaliland, uma dulqaadan doono weerar kasta oo kaga yimaada,” ayay raaciyeen.

Saaxiibada caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay iska horimaadka u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo dagaalyahanada deegaanka ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ee 15 sanno ee la soo dhaafay ay maamuleysay Somaliland. Ciidamada deegaanka ayaa sheegay in ay qabsadeen saldhiga Goojacade ee duleedka magaalada Laascaanood.

Saaxiibada, oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waxay ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. “Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaal-yahannada, lana bixiyo saadka iyo hubka,” ayay ku sheegeen war-saxaafadeed ay si wadajir ah uga soo saareen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho fiidnimadii Axadda.

Dagaalka Laascaanood oo ay ku barakaceen kumannaan qof ayaa socday tan iyo 6-dii bishan February kadib markii Isimada deegaanka ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen inaysan ka tirsanayn Somaliland, isla markaana ay dowladda Soomaaliya hadda maamusho gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. .

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed