SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo guulo ka kala sheegtay dagaaladii maanta dhacay, maxaabiis gacanta lagu dhigay iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo, dagaalkan ayaa saacado xiriir ah ka socday deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Sool waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, Gaadiid la kala gubay iyo maxaabiis dagaalkaas lagu qabsaday, iska horimaadkan ayaa bilaawday gelinkii hore ee maanta, iyada oo dhinacyada ay heleen gurmad kala duwan, sida HBN TV ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Muuqaallo kala duwan oo lagu faafiyay Baraha Bulshada waxaa ka soo muuqday dagaalyahano dhaawac ah, kuwaas oo qayb ka ah dagaalka, halka ay jiraan kuwo kale oo aan soo muuqan balse dhaawacyo ay ka soo gaareen dagaalkaas, sida ay inoo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah.

Dagaaladan ayaa ka dhacaya deegaano dhowr ah oo ku yaal gobolka Sool, oo ay kamid yihiin: Yeyle, Buq-dharkayn iyo Bali Cumar, dhammaan deegaannadaan ayaa la sheegay in aad loogu dagaallamay maanta.

Maamulka SSC khaatumo oo ka hadlay dagaalkii maanta ayaa Somaliland ku eedeyay bilaawga weerarka ay soo qaadeen, isla markaana ay masuul ka aheyd khasaarihii ka dashay, qoraalka ka soo baxay SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar fuleynimo ah ku soo qaadeen deegaan Yeyle, sida ay hadalka u dhigeen.

“Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen degmada Yeyle iyo goobihii ay ku sugnaayeen waftigii nabadayntu, weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen SSC Khaatumo.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in ay iska difaaceen weerarka ay soo qaaday Somaliland, isla markaana ay dib ugu celiyaan xeryihii ay weerarka ka soo qaadeen ciidanka Somaliland, sida ay sheegteen.

Gabagabadii maamulka SSC khaatumo ayaa bayaan ku sheegay in ay gacanta ku dhgigeen Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo sheegay in ay   Saxaafadda u soo bandhigi doonno.

Dhanka kale Somaliland ayaa iyaduna war ka soo saartay dagaalka, waxay sheegeen in Ciidamada SSC khaatumo iyo kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaaro,  kuna dhufteen dharbaaxo kulul, sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraalka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu yiri: Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya, dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka  Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul”

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinaca majirto cid madax bannaan oo xaqiijin karta guulaha ay kala sheegteen daagaaladii maanta dhacay gobolka Sool.

Dhinaca kale ilaa hadda wax jawaab ah ah kama  bixin dhinaca Somaliland  ee ku aaddan in laga qabsaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal, taasoo oo ay sheegteen maamulka Khaatumo State.

Wararka ugu dambeeyo waxaa ay sheegayaan in xiisad xooggan ay ka jirto deegaannada lagu dagaallamay, waxana laga cabsi qabaa in markale ay dhici karaan weeraro dhinacyada, isku horimaad-yadaan  hubaysan ee dhex mara ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC iyo Khaatumo ayaa hore u sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca tiro kale.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed