SSC Khaatumo oo digniin culus u dirtay maamulka Somaliland

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye ayaa diray fariin ku wajahan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, fariintaan ayaa xambaarsaneed digniin ku aaddan in mar kale dagaal millateri aysan ku soo qaadaan Laascaanood.

Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye hoggaamiyaha SSC Khaatumo waxaa uu hoosta ka xariiqay in ciidamadoodu ay jawaab culus ay ka bixin doonaan haddii Somaliland ay soo qaado dagaal kale, asiga oo dul istaagay in aysan diyaar u aheyn dagaal iyo colaad, waxuu sheegay in ay ku ekaan doonaan dhulkooda, dhul aysan laheyna aysan u socon.

Sidoo kale Wuxuu  Dowladda federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay usoo diraan kooxo baaritaan ku sameeya goobihii farriisinka u ahaa ciidanka Somaliland.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa soo hadal qaaday maxaabiista ay qabteen kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 280 maxbuus, isla markaana ay ku jiraan 42 dhaawac ah, waxaa kale oo uu ka dhawaajiyay in maxaabiista ay kamid yihiin saraakiil sar sare oo ku eedeysan dambiyo dagaal.

Dhanka kale waxaa uu fariin u diray dadka reer Laascaanood in aysan dib ugu soo laabtaan magaalada, maaddaama xilli walbe dagaal uu dhici karo, sidaa darteed waxaa uu ku booriyay in aanan lagu deg degin ku soo laabashada gudaha magaalada.

Warkaan ka soo yeeray hoggaamiya SSC ayaa ku soo beegmay iyada oo shalay madaxweynaha Somaliland uu diray hanjabaad ku aaddan in ay dagaal kale, oo ciidamada maamulkaas ay qaadi doonan tallaabo adag.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed