Soomaaliya & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis “muhiim ah”

Dawladaha Soomaaliya & Talyaaniga ayaa magaalada Rome waxay ku kala saxiixdeen heshiis “muhiim ah” oo ku aadan iskaashiga labada dal, iyadoo tani ku soo aadayso safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku joogo Talyaaniga.

Wasiirk Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse iyo kuxigeenka Ra’isalwasaaraha ahna Wasiirk Arrimaha Dibedda Talyaaniga, Antonio Tajani ayaa qalinka ku duugay heshiiskan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dhexmara Soomaaliya iyo Talyaaniga muddo soddon sano ah sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

“Heshiisku wuxuu wax ka tari doonaa adeegyada degdegga ah ee muhiimka u ah horumarinta dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin qaybaha uu ka kooban yahay heshiiskan ay kala saxiixdeen Muqdisho & Roma.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talyaaniga uga qayb galaya shirka Qaramada Midoobay ee looga hadlayay la dagaallanka cunno yarida iyo ka hortagga macluusha.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed