Soomaaliya oo Wasiir ku jira xukuumadda u magaacwday Safiirka dalka Qatar

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa loo magacaabay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo xog ogaal ah.

Wasiir Doodishe ayaa maanta ka qeyb galay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sagootiyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada oo ka qeyb galay shirka todobaadlaha ah ee Golaha.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Khadiija Maxamed Diiriye oo soo dhigtay Boggeeda rasmiga ah ee Facebook ayaa tiri “Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya hadda waxa ay noo tahay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo wakiil ka ah dowladda Soomaaliya.”

Haddalka Wasiir Khadiija ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare Xamza la filayo inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada balse lama oga in Khadiija Maxamed Diiriye ay saameyn ku yeelan doonto isku shaandheynta cusub.

Ma cadda shaqsiga loo magacaabi doono xilka uu baneeyay Wasiirkii Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya D Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), waxaana Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda looga fadhiyaa inuu u magacaabo Wasiirka Amniga Gudaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed