Soomaaliya oo mamnuucday dib u iibinta gargaarka kadib markii Midowga Yurub uu joojiyay lacagihii loo soo marin jiray WFP

Soomaaliya ayaa mamnuucday in suuqyada madow lagu iibiyo badeecooyinka gargaarka bini’aadantinimo, kaddib markii Midowga Yurub uu joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada Adduunka ee WFP sababo la xiriira xatooyo si ku meel gaar ah.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Wasaaradaha Gargaarka Dowlad Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir, ayaa arrintaas lagu mamnuucay kadib doodo xooggan oo hareeyay gargaarka Soomaaliya ee ay siiyaan dowladdaha taageero Shacabka daruufeysan.

Go’aankan ayaa ah mid looga hortagayo musuq maasuqa gar-gaarka bini’aadantinimo ee ka imaanaya wadamada shisheeye iyo hay’adaha gargaarka ee la doonayo in lagu badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu saameeyeen.

“Qof kasta oo ku lug leh suuq-geyn madow ama dib u iibinta alaabta gargaarka bini’aadantinimo ee hay’adaha gargaarka waxaa la horgeyn doonaa maxkamad iyo sharciga,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah qayb ahaan.

Midowga Yurub ayaa joojiyay dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray WFP kaddib fadeexad musuqmaasuq oo dhan 7 milyan oo doollar oo loogu talagalay in barakacayaasha lagu siiyo kaarar caddaan ah. Xubnaha ciidamada amniga iyo mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ku lug leh, sida lagu sheegay baaritaannada QM.

Soomaaliya waxaa ku habsaday abaaro ba’an oo saameeyay 8 milyan oo qof, kala bar dadka dalka ku nool, taas oo ay sabab u tahay shan sano oo xiriir ah oo roobab ku filan  aanan la helin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed