Soomaaliya oo laga xusayo sanadguuradii 7-aad ee ka soo wareegtay qaraxii musiibada ahay ee 2017

7 sanno ayaa ka soo wareegtay musiibadii ka dhacay isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho markii uu ka dhacay qarixii lagu hoobtay ee 14 Octobar 2017, kaas oo noqday mid kamid ah qaraxyadii ugu saameyn badnaa abid  ee dunida soo mara.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa isugu soo baxay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan 7-guuradii ka soo wareegatay qaraxii gaari xamuulka ahaa ee 14-kii October 2017.

Qaraxan khasaaraha geystay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna noqday mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca qaaradda Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa.

316 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse dowladda ayaa farta ku fiiqday Al-shabaab.

Dadka gobolka Banaadir  ayaa isugu soo baxay isgoyska mashquulka badan ee mar ee Zoobe oo uu k dhacay weerarka argagaxa leh, si ay ugu dabaaldegaan sannad guurada 7-aad.

Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka taalada Daljirka Dahsoon, si dadka deegaanka ay u xusuustaan ​​eheladooda iyo asxaabtooda, una muujiyaan in aysan wili iloobin xasuuqii ba’naa ee 2017, kaas oo noqay xasuusta qof walbe ee xilligaas joogay magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku qarxay isgoyska K5 ee magaalada, halkaasoo ay ku yaalaan xafiisyo, hoteello, iyo maqaayado. Xuska maalintan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay hadda dagaal kula jirto Al-shabaab oo dhowr jiho ka qaaday weerarro ay ku qabsadeen dhul ballaaran.

Muqdisho ayaa maanta aad loo hadal dhacdadaasi uu xasuus lama iloobaan ah ku reeebtay dadka Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed