Soomaaliya oo laga bilaabay qaadashada karaka aqoonsiga rasmiga ah oo casir ah

Soomaaliya ayaa maanta bilaawday qaadashada kaarka aqoonsiga dad weynaha munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxana dadkii ugu horreyay ee qaatay kamid ah Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Ra’uusal  Wasaare Xamse kuwaas oo noqonaya in ay si rasmi ah isku diiwaan galiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa timaamay in hannaankaan cusub uu ka turjumayo dowladnimada casriga ah ee dalka ka hana-qaaday, isagoo oo hoosta ka xariiqay dowladda Pakistan oo gacan weyn ka gaysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

Dhanka kale  Madaxweyna Xasan Sheekh  oo ka hadlay markii uu qaatay kaarka aqoonsiga  cusub ee dalka ayaa ku bogaadiyay hindise-sharciyeedkan uu yahay mid muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, maadaama uu sare u qaadayo amniga, iyo waxyaabaha kale ee mudnaanta u leh qaranka.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed