Soomaaliya oo Laba Jeer Laga Ciiday

Iyada oo lagu guda jiro Maalintii 2-aad  ee Ciidda ayaa qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya waxaa ay u tahay Maalintii 1-aad  Ciidul Fidriga, deegaano ka tirsan gobolada dhexe ayaa laga ciiday maanta kuwaas oo aan qeyb ka noqon Ciidii Shalay.

Inkastoo Shalay laga Ciiday Soomaaliya inta badan haddana Xitaa Caasimadda dalka oo ay ku ciideen dadkii ugu badan, waxaa jireen dad iyaguna Soomaanaa, Masaajiida waa weyn ee Muqdisho ayaa kala qeybsamay oo aan qaarkood laga qaadin Takbiirta Munaasabada Ciida.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug qeybo kamid ah ayaa maanta laga tukaday Maalinta 1aad ee Ciida, Sida Magaalada Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, Guriceel Caabud Waaq Cadaado Gaalkacyo  iyo daagaano badan oo ka tirsan Gobolada la isku yiraah Galmudug ayaa maanta lagu tukaday  Munaasabada Ciida.

Dadka ayaa u kala jabay labo qeybood  kuwa shalay Ciiday iyo kuwa Maanta ciiday, balse tirada kuwa maanta iyo Masaajida ayaa ka badan kuwii hore.

Arrintaan ku saabsan is khilaafka Munaasabadaha Ciida ayaa wax caadi ah ka aheyd muddooyinkii dambe Soomaaliya, taas oo loo sababeyay Dariiqooyina iyo Ururada  diiniga ah kala duwan ee dalka, inta badan dadka ayaa ku xiran Culumaa’u diineed iyo Afkaar kala aragti duwan.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed