Soomaaliya oo ku celisay inay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay gacan ka geysan doonto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, maadaama ciidanka xoogga dalka ay sii xoogeysanayaan.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xili maalmo ka hor ciidamada dowladda  oo ay wehliyaan ciidamo beeleed ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo dhaca koonfurta gobolka Mudug sida Badaweyne, Camaara iyo Qodo-Qod.

Ballan qaadkan ayaa waxaa sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaalah, wuxuuna sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku jiraan dagaalkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga saarayo Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa shaqsiyaad aan la magacaabin ku eedeeyay inay isku dayeen inay niyad jabiyaan ciidamada, iyagoo warar been abuur ah ku faafiyay baraha bulshada, isagoo u ballan qaaday inay soo qaban doonaan.

Ololaha dowladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ku wajahan gobolka Galgaduud, halkaasoo ciidamada Soomaaliya ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab inkastoo dib u dhacyo ay ka mid yihiin dib u gurasho iyo weeraro ay la kulmaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed