Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka 31-aad ee ESCWA ee Qaahira

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya,  Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta magaalada Qaahira kaga qayb-galay shirka 31-aad ee heer wasiir ee Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay ee Galbeedka Aasiya (ESCWA).

Muhiimadda koowaad ee kulanka ayaa ahaa dagaalka ka socda Gaza iyo saameynta fog ee bulsho iyo dhaqaale.

Kalfadhigu waxa kale oo uu soo bandhigay madal aad u wanaagsan oo lagaga doodayo istaraatiijiyado wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha colaadaha, iyadoo hoosta laga xariiqday baahida loo qabo iskaashiga gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu gaari karo xasillooni iyo barwaaqo.

Munaasabadda 50-aad ee ESCWA, ayaa qeybta wasaaradda waxaa si firfircoon uga soo qeyb galay wasiiro iyo wafdi ka socday dalalka Carabta. Dadaalkan iskaashiga ah ayaa ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga gobolka, wax ka qabashada caqabadaha la wadaago, iyo gaaritaanka horumar iyo barwaaqo waara.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed