Soomaaliya oo Dalka Jordan u bandhigtay dagaalka Al-shabaab iyo kulan laga yeeshay arrintaasi

Dowladda Soomaaliya iyo Jordan ayaa kawada hadlay dagaalka A-shabaab oo ay waddo dowladda Soomaaliya, iyada oo la filayo in dhawaan dagaallo xooggan ay ka bilaawdaan, kaas oo horay ay u qorsheysay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga  Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca, iyada kulankaasi lagu soo hadal qaaday arrimo badan oo ku saabsan iskaashiga ammaanka iyo nabad-galyadda.

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dalkiisa uu sanado badan wajahayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro Ururka  A-shabaab.

Kulankaan ayaa imanaya, iyada oo Soomaaliya ay raadineyso taageero xooggan oo ku saabsan mid dhaqaale iyo mid hub, oo ay u adeegsato dagaalka dalka looga xorreynayo dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed