Soomaaliya oo burburisay heshiiskii badda ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya isla markaana laga soo saaray xeer adag

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u laashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u saxiixay sharci cusub oo dhaqan galaya. Talaabadan ayaa jawaab u ah xiisada diblumaasiyadeed ee sii kordheysa iyo diidmada ba’an ee looga soo horjeedo tallaabadan muranka badan dhalisay.

Tallaabadan oo ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda, ayaa lagu sheegay in ay ka tarjumeyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimadeeda, madaxbannaanideeda, iyo wadajirkeeda, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux saday in sharcigan uu yahay “go’aan adag oo lagu ilaalinayo danaha qaranka Soomaaliyeed”.

Burburinta heshiiskii muranka dhaliyay ee badda waxay ka dhigan tahay guul weyn oo laga gaaray wadahadallada dublamaasiyadeed ee socda, taasoo muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay qaabeynta xiriirkeeda gobolka iyo ilaalinta xuquuqdeeda madax-bannaanida.

Xildhibaan C/raxmaan Shakuur iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweynaha ku ammaanay sida degdegga ah ee uu u saxiixay sharcigan, waxaana uu yiri “Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay inaad saxiixday xeerkii baabi’iyay heshiiskii sharci darada ahaa ee Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed