Soomaaliya oo 32 Sano Kadib Ka Qeyb Gashay Shir Heer Calaami ah

Dalka Morocco gaar  ee Magaalada Marrakesh waxaa lagu qabtay shir sanadeedka Global Payment Week 2023 ‘GPW’ oo ay ka qaybgaleen madax ka kala socotay Bangiyada Dhexe ee Adduunka kaas oo diirada lagu saaray  Teknoolajiyadda cusub ee hannaanka lacag bixinta Adduunka.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 32 sano kaddib ka qaybgalay shirkaan waxaana lagu soo bandhigay tayada Bangiyada Adduunka iyo awoodda ay u leeyihiin la jaanqaadka Casriga

Soomaaliya ayaa ku guuleystay hannaanka lacag bixinya Casriga ah ee adduunka taas oo la jaan qaaday  Teknoolajiyadda Casriga ah ee Lacag bixinta, Soomaaliya ayaa ka qeyb ka aheyd doodda kulankaas lagu soo bandhigay oo ay qeyb ka ahaayeen Dalalka Midawga Yurub, Ingiriiska Mexico iyo Cumaan, dooddaas ayaa aheyd mid furan oo dhammaan ay ka qeyb qaateen Waddamadii yimid shirka.

Shirkaan Bankiha dhexe Soomaaliya waxaa ku matalayay Wafdi uu hoggaaminaayay Agaasimaha  Sare ee Lacagta iyo howlaha Bankiga Axmed Xundubey iyo qaar kamid ah howlwadeennada hannaaga lacag bixinta ee Soomaaliya.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed