Soomaaliya iyo Itoobiya oo aanan wili ka jawaabin baaqyadii Midawga Afrika iyo IGAD ee dejinta xaaladda soo korortay

Soomaaliya ayaa dhegaha ka fureysatay baaq ka soo yeeray madaxda Itoobiya oo ku howlanaa todobaadkan sidii ay xiisada u dejin lahaayeen dhinacayada, kaddib markii Muqdisho ay ka soo horjeesatay heshiiskii dekedda iyo badda ee Addis Ababa iyo maamulka ee Somaliland.

Labo Diblomaasi oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD ayaa tilmaamay in Itoobiya ay dooneyso in ay dejiso xiisadda oo ay u soo dirto Muqdisho koox aanan la magacaabin, taasi oo aan wax jawaab ah ka bixin arrinta khilaafka.

Muqdisho iyo Addis midna si cad uma xaqiijin wax isu soo dhawaansho ah, balse ilo wareedyo ay heshay HBN TV  ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu doonayo inuu Muqdisho u xaqiijiyo inuusan dooneyn inuu ku xad-gudbo madax-bannaanida dhulkeeda, kaddib cadaadis calaami ah oo uu la kulmay iyo gobolkaba.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay baabi’isay heshiiskii Addis iyo Hargeysa, waxayna isla markiiba u yeertay safiirkeeda Addis Ababa. Balse ma aysan qaadin tallaabo kale, iyadoo dadka qaar ay ka cabsi qabaan inay dalka ka saarto safiirka Itoobiya.
Heshiiska is-afgaradka ayaa dhaliyay dood ada, balse mas’uuliyiinta Somaliland waxay ku andacoodeen in Itoobiya ay noqonayso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada.

Laakiin Soomaaliya way ku faraxsan tahay in ay garab istaageen Saaxiibada caalamka, kuwaas oo si adag kaga soo horjeestay damaca Itoobiya, laakiinse Adis Ababa ayaan helin wax taageero ah ilaa hadda.

Midowga Afrika iyo Igad, ayaa ku booriyay labada dhinac inay xiisadda dejiyaan oo ay si wanaagsan uga wada hadlaan arrintan, taasoo Muqdisho ay ku gacan sayrtay.

Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Oncu Keceli ayaa Itoobiya ku canaantay in ay ku xad gudubtay dhaqanka caalamiga ah ee ay Somaliland la gashay heshiis “iyagoo aan ka warqabin oo ogolaansho ka haysan dawladda Soomaaliya”.

Sidoo kale Midawga Yurub, Ururka Jaamcadda Carabta, iyo dadal dhowr ah oo ay ku jiraan Qatar iyo Masar ayaa ku booriyay in la ilaaliyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed