Soomaaliya iyo UNIDO oo ka wada hadlay arrimo la xiriira horumarinta dhaqaalaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Shire ayaa kulan la qaatay wakiilka ka socday United Nations Industrial Development Organization (UNIDO) ee Ygor Scarcia oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira horumarinta dhaqaalaha.

-Bixinta kaalmo farsamo ee maalgashadayaasha gudaha.
-Abuurista jawi wanaagsan oo loogu talagalay maalgashadayaasha shisheeye.
-Xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay sidii loo horumarin lahaa jawi wanaagsan oo Soomaaliya ay ku maalgashadaan maalgashadayaasha gudaha iyo dibadda.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed