Soomaaliya iyo Sweden oo yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay arrimo kala duwan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.

Waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Al shabaab

Dhankiisa, Danjiraha  Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed