Soomaaliya iyo Qatar oo dib u eegis ku sameynaya iskaashiga dhinacyada maaliyadda iyo dhaqaalaha

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa la lumay dhiggiisa dalka Cali Bin Axmed Al-Kuwari, kuwaas oo ka dooday arrimo khuseya labad dal ee ku saabsan hannaanka maaliyadda.

Labada wasiir ayaa wada-hadalladan waxay barbar socdeen kulamadii sannadlaha ahaa ee Bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee ka dhacay magaalada Marrakesh ee dalka Marooko.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo quseeya danaha labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo maaliyadda, iyadoo sidoo kale la qaaday tallaabooyin lagu ballaarinayo dadaalka wadajirka ah.

Wasiir Soomaaliya  ayaa sidoo kale la kulmay wafdiga Wasiirka Miisaaniyadda ee Boqortooyada Morocco.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed