Soomaaliya iyo Mareykanka oo kulan ka yeeshay howlgalka wajiga labaad ee Al shabaab

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kawada hadlay dagalka ka dhanka ah Al shabaab wajigiisa labaad, Mareykanka oo kamid ah dowladaha ugu horreyo ee taageero Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ciidmada dagaalka kula jiro Al shabaab ay sii doonaan taageero xooggan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya,Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo Al shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka la wadaagay  taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka argagixisada  iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxda Al shaabab  iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban, si loo ambo qaado nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Al shabaab  iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya. Waxaa uu intaas raaciyay in Mareykanku uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada dagaalka wajiga labaad, Soomaaliyana ay ka caawin doonaan dib u xorreynta dalka.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed