Soomaaliya iyo Mareykanka oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-Shabaab

Hoggaanka sare ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay dagaalka A-l shabaab la yeeshay hoggaan Ciimada Mareykanka Afrika, kulankaan ayaa diirada lagu soo saaray howlgallo culus oo lagu qaado deegaannada Al-shabaab ay ka joogaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan laqaatay taliyaha ciidamada Mareeykanka ee howlgalka Africom Gen, Micheal  Langley.

Labada Hoggaamiye ayaa ka wada xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

Dowlada Somaliya ayaa sheegtay inay bilaabi doonto wajiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah Al Shabaab, xili Maraykanka uu hoos u dhigay weeraradii dhanka cirka uu ku garabsiin jiray militariga Soomaaliya. Kulanka ayaa la isla qaatay in la iska kaashada dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed