Soomaaliya iyo dalal kale oo Muslim ah oo Maraykanku muwaadiniintooda ka mamnuucay inay dalkaasi tagaan

Dowladda Maraykanka ayaa diyaarisay qaraar aan si rasmi ah u soo bixin oo muujinaya in 11 dal oo Soomaaliya ay ku jirto Muwaadiniintooda laga mamnuucay in ay u safraan dalkaas, waxaana loo daliilsaday Walaaca sida hadalka loo dhigay dhinaca Amniga.

Dalalka Liiskaan Soomaaliya kula jira ayaa qaarkood xasilooni heysta balse Maraykanka ayay is hayaan oo Siyaasad ahaan iskuma fiicna, waana tan loo badinayo in walaaca amniga shaabadda loogu magac daray in lagu dhufto.

Warbixintan soo baxday oo uu qoray Wargeyska The New York Times oo soo xiganaya ilo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ah, ayaa sheegay in la oo qorsheynayo in bartilmaameedku noqdo muwaadiniinta ilaa 43 dal oo laga yaabo in laga mamnuuco inay u safraan Mareykanka.

Wargeyska wuxuu soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah, kuwaasoo sheegay in xayiraaddan cusub ay ka ballaarnaan doonto kuwii hore ee muddo xileedkii hore ee Trump , iyagoo xusay in liiskan cusub ay diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, hase yeeshee laga yaabo in isbeddello lagu sameeyo.

Qoraalka talo-bixinta wuxuu muujinayaa liis casaan ah oo ka kooban 11 dal oo muwaadiniintooda gebi ahaanba laga mamnuucay inay galaan Mareykanka. Liiska cas wuxuu ka kooban yahay dalalkan: Afghanistan, Suudaan, Suuriya, Yemen, Liibiya, Iiraan, Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi, Venezuela, Kuuba, iyo Bhutan.

Liiska oranji-ga ah wuxuu ka kooban yahay 10 dal oo dadkooda safarkooda la xaddiday balse aan si toos ah loo mamnuucin, waxaana ka mid ah: Ruushka, Belarus, Suudaanta Koonfureed, Sierra Leone, Eritrea, Haiti, Laos, Myanmar, Pakistan iyo Turkmenistan.

20-kii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu soo saaray amar madaxweyne oo adkaynaya baaritaanka amniga dadka ajaanibka ah ee doonaya inay galaan Mareykanka, si loo ogaado khataraha amni ee suurtagalka ah.

Bilowgii muddo xilkeedkii hore, Trump wuxuu soo saaray xayiraad safar oo lagu beegsaday 7 dal oo Muslimiin ah: Syria, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, Yemen iyo Iiraan, isagoo ku sababeeyay inuu ilaalinayo shacabka Mareykanka khataraha argagixisada.

Waxaa la sheegay in ku dhawaad 200,000 oo muwaadiniin reer Afgaanistaan ah oo horey u helay oggolaansho qaxootinimo ama fiisaha gaarka ah ee SIV ay hadda wajahayaan xaalad aan la hubin. Dadkan intooda badan waxay horey ula shaqeeyeen ciidamada Maraykanka xilligii dagaalka Afgaanistaan.

Go’aanadan waxay dhaliyeen cambaareyn gudaha iyo dibaddaba, waxaana marar badan laga dooday maxkamadaha ka hor intii aysan ansixin Maxkamadda Sare ee Mareykanka sannadkii 2018-kii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed